Sign in to follow this  
Deeq A.

QM oo soo saartay digniin ku aadan doorashada ka dhaceyso JUBBALAND

Recommended Posts

Deeq A.   

Kismaayo (Caasimada Online) – Qaramada Midoobey ayaa ka digtay in wax faragelin ah lagu sameeyo doorashada Jubaland ee dhawaan ka dhaceysa maamul goboleedkaas.

Wakiilka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya James Swan ayaa ka warbixiyay safar uu ku tagay magaalada Kismaayo shalay iyo kulamo uu halkaas kula yeeshay madaxda Jubaland.

Swan ayaa sheegay in uu la kulmay Madaxweynaha Jubaland, Guddiga xudduudaha iyo doorashooyinka Jubaland iyo xubno kale oo ay ka mid yihiin Xubnaha labada aqal ee Federaalka  ee ka soo jeeda Jubaland.

Waxaa uu ka tacsiyeeyay weerarkii ka dhacay Magaalada Kismaayo ee sababay dhimashada 26-ka qof iyo dhaawaca 56 kale, islamarkaana ay sheegatay kooxda Al-Shabaab.

Mr James ayaa sheegay in Qaramada Midoobey ay soo jeedineyso in doorashada Jubaland waqtigeeda ku dhacdi islamarkaana wax rabshado ah aysan gelin.

Waxaa kale oo uu sheegay in uu ka digayo faragelin nooc kasta oo ay tahay oo lagu sameeyo doorashada Jubaland ee dhaceysa Bisha August.

Doorashada Jubaland ayaa waxaa isku haya dowladda federaalka ah ee Soomaaliya oo dooneysa inay maamusho iyo Axmed Madoobe oo diidan.

Halkaan ka daawo Wararka oo muuqaalo ah

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this