Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-Shabab oo diiday in dib loo dhiso goobo ganacsi oo ku bur buray weerar ay ka fuliyeen magaalada Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaa diiday in dib u dhis lagu sameeyo goobo Ganacsi oo ay weerareen bishii March ee sanadkaan 2019, kuwaas oo ku yaala wadada Maka Al-Mukarama ee magaalada Muqdisho.

Qoraalo lala wadaagay milkiilayaasha hotelladan – oo aan magacyadooda qarinay – in aan dib u dhis lagu sameyn karin goobahaas ganacsi oo ku bur buray weerarkii ay Al-Shabaab ka fuliyeen hoteeladaasi.

Al-Shabaab ayaa ku sheegay in goobahaan Ganacsi ay qayb ka yihiin goobaha dadka lagu fasahaadiyo iyo goobaha lagu gorfeeyo siyaasadda dalka, sidaas darteedna aysan dooneyn in dib loo dhiso mar dambe.

Al-Shabaab ayaa sidoo kale sheegay goobahaas ay degaan u yihiin wax ay ugu yeereen Gaalo islamarkaana aysan sii jiri karin sida ay hadalka u dhigeen.

Kaliya mid ka mid ah hoteelladan ayaa dhismihiisa socdaa waxaana inta kale la sheegay in la joojiyay dhismahooda.

Amarkaan soo baxay bilo ka hor ayaa ilaa hadda jira waxaana muuqata in Al-Shabaab goobihii Ganacsi ay bur buriyeen ay diideen in dib loo dhismo waana arrin ku cusub Soomaaliya.

Al-Shabaab sidoo kale sheegay in dhismaha Goobahaan ganacsi ay qayb ka qaadaneyso Dowladda Soomaaliya hadii la dhisana waxay sheegayn in ay dilo doonaan dhamaan shaqaalaha iyo maamulka hoteelada sida ay hadalka u dhigeen.

Halkaan ka daawo Daacish oo u hanjabtay Dahabshiil, Dhul gariir Somalia ku dhuftay &dagaalka Trump & Ilhaan

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this