Sign in to follow this  
Deeq A.

Sababta keentay inay Al-Shabaab waqtiyo isku dhow qaraxyo ka fuliso Dhuusamareeb iyo Kismaayo?

Recommended Posts

Deeq A.   

Kismaayo (Caasimadda Online) – Maalmihi la soo dhaafay waxay qaraxyo ka dhaceen magaalooyinka Kismaayo iyo Dhuusamareeb oo ay ka mid ahaa magaalooyinka ugu nabdoon dallka Soomaaliya.

Jimcihi la soo dhaafay waxaa magaalada Kismaayo ee xaruunta ku meel gaarka ah ee maamul goboleedka Jubbaland ka dhacay qarax xooggan oo lala beegsaday hoteel Madina oo horay loo oran jiray Cascaseey.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam “Axmed Madoobe”, oo shir jaraaid ku faahfaahiyay dhacdada ayaa xaqiijiyay in 26 ruux oo halkaas ku geeriyootay ay ku jireen 9 ruux oo qurbaha ka tagay.

Axaddi shalay ahaydna maqaayad ku taalla bartamaha magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud magaalada Dhuusamareeb waxaa ka dhacay qarax iyada oo qarax labaadna magaaladaasi laga maqlay..

Qaraxaasi oo la sheegay inuu hal qof uu ku dhintay shan qofna uu qaraxaasi dhaawac uu ka soo gaaray.

Qaraxa ayaa ka dhacay maqaayad yar oo lagu shaaho oo ku taala ka soo horjeedka xarunta Inji oo ay ka shaqeeyaan qaar kamid ah hay’adaha maamulka Galmudug.

Shanta qof ee dhaawaca ah ayaa la sheegay in afar kamid ah ay ahaayeen, gabadh maqaayadda lahayd iyo sedex caruurra oo ay dhashay.

Qaraxaasi ayaa waxaa mas’uuliyaddiisa sheegtay ururka Al-shabaab waxayna sheegeen sida uu bartilmaameedku sida ay iyagu warkau dhigeen iney halkaasi joogeen saraakiil ka tirsan ciidanka balse ay dhicin.

Haddaba qaraxyadaasi magaalooyinka Kismaayo iyo Dhuusamareeb ka dhacay iyada oo ay magaalooyinkaasi yihiin kuwa aan qarax looga baran oo badnaa maxaa xilligan ku soo beegay maxaana lagu macneyn karaa?

Sa’aashaasi waxaan weydiinnay C/rashiid Khaliif Xaashi oo ah Agaasimaha Machadka Cilmibaarista ee Heritage:

“Waaxaa dhici karta hadda Kismaayo oo kale Dowladda Federaalka iyo maamulka meesha ka jira oo si isku diiddan iney iyaga iskuba diraan iney rabaan oo qoloba qolo tuhunto, oo qoloba qolo eedeyso ama iney arkeen in laga mashquulsan yahay amnigi oo siyaasad lagu mashquulsan yahay ay arkeen. Waxaana dhici karta iney kala jeedaan tan Dhuusamareeb iyo tan Kismaayaba iney weli nool yihiin oo dowladda iyo ajaanibta kale ee ay ishayaan ay dareensiinayaan iney nool yihiin weli kooxda Al-shabaab, ama dadkooda iney niyadda ugu dhisyaaan, ama iney fursada ka helaan meelahaasi oo ay arkeen dad ay bartilmeedsadaan iwm.”

“Meelihi amniga lagu tuhunsanaa sida Dhuusamareeb iyo Kismaayana waa iyaga hadda ka dhex kacay marka waxaa loo baahan yahay dadka amniga, siyaasadd iyo hoggaanka dalka lagu ogaa heer gobol iyo heer qaranba iney dhacdooyinkaasi ay cashar ka kororsadaan meesha in diiradda la saaro loo baahan yahay oo ah amniga dalka in la sugo isqabqabsiga iyo isku mashquuliddana ay fursad siineyso dadka amniga culeyska ku haya baa laga korosan karaa runti” ayuu yiri C/rashiid Khaliif Xaashi.

Halkaan ka daawo Daacish oo u hanjabtay Dahabshiil, Dhul gariir Somalia ku dhuftay &dagaalka Trump & Ilhaan

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this