Deeq A. Posted July 15, 2019 Muqdisho (SMN) – Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ka qeybgalay munaasabad lagu xusayey sanad guuradii 3aad ee kasoo wareegatay afgembigii dhicisoobay ee saddex sano kahor ka dhacay Turkiga. Inqilaabkaasi fashilmay oo dhacay 15-kii May 2016-kii kaasi oo ujeedkiisu ahaa in xilka looga tuuro xukuumadda Recep Tayyip Erdoğan ayaa waxaa ka hortegay shacab wadankaasi oo uu khasaaro kasoo gaarey. Madaxda Soomaaliyeed ee ka qeybgashay xafladda ayaa dadweynaha Turkiga ugu hambalyeeyay guusha ay ka gaareen kooxaha afgembiga abaabulay, waxayna sheegeen in dowladdu adkeynayso xiriirka Ankara. Halkan hoose ka dhageyso warka oo cod ah https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/07/AAA.mp3 View the full article Share this post Link to post Share on other sites