Sign in to follow this  
Deeq A.

Axmed Madoobe iyo Wakiilka QM ee Somalia oo si wadajir ah uga hor yimid go’aan horey uga soo baxay DF

Recommended Posts

Deeq A.   

Kismaayo (Caasimadda Online) –  Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta  Magaalada Kismaayo ku qaabilay wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya James Swan iyo xubno kale oo kasocday Hay’adaha Qaramada Midoobay.

Kulankan oo lagaga hadlay qodobo kala duwan ayaa marka uu soo dhamaaday Waxaa Saxaafada la hadlay Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam iyo Danjiraha Qaramada Midoobay.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa sheegay in kulanka lagaga hadlay guud ahaan Siyaasada Soomaaliya halka ay marayso iyo si gaar ah Arimaha Doorashooyinka Jubbaland Madaxweynahu wuxuu sheegay in ay isku raaceen in waxa wadanka lagu kala hagi karo uu yahay dastuurka dalka u yaala oo lagu dhaqmo mar uu ka hadlayay arimaha doorashooyinkana wuxuu sheegay in la isku raacay in Arimahaas looga danbaynayo gudiga doorashooyinka iyo odayaasha dhaqanka.

Madaxweynahu wuxuu intaas ku daray in goobta ay ka dhacayso doorashada iyo amnigeedaba la isku raacay in ay tahay masuuliyad u taala Jubbaland taasoo ka hor imaaneyso amarkii dhawaan kasoo baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ahaa in Doorasho lagu qabto akadeemiyada Booliska Jubbaland ama Xarunta Qaramada Midoobay.

Danjiraha Qaramada Midoobay ayaa dhankiisa ka mahad celiyay sida loo soo dhaweeyay waxaana uu Jubbaland uga Tacsiyeeyay weerarkii Al Shabaab ee lagu qaaday Hotel Madiina waxaa Safiirku uu sheegay in Qaramada Midoobay ay garab taagan tahay Maamulka iyo shacabka Jubbaland oo xanuunka ay la qabsanayso.

Waxaa kale oo danjirahu uu sheegay in kulanka isaga iyo Madaxweynaha lagaga hadlay kobcinta dhaqaalaha iyo Dowlad wanaaga arimahaasna ay Qaramada Midoobay ka tageerayso Jubbaland.

Waxaa uu intaas ku daray in ay doonayaan in Jubbaland ay ka dhacdo doorasho xalaal ah oo aan meela laga faragalin isla markana masuuliyadeeda ay leedahay Dowlad Goboleedka Jubbaland wuxuu xusay in uu sidoo kale uu la kulmay gudiga doorashooyinka Jubbaland iyo Xildhibaanada laga soo doorto Jubbaland ee Baarlamaanka Federaalka ah oo uu aragtidooda ka dhagaystay.

Halkaan ka daawo Ahlu Sunna oo hub kala dagtay Dhuusamareeb iyo Saraakiil xoog looga saaray

67193583_1430792610394969_91528528013180 66597683_1430792980394932_90162206102079 64897911_1430792263728337_60525858189654 66611597_1430792083728355_41919782021947 66587876_1430791833728380_32960800475253 67278304_1430791390395091_42010808442127

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this