Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Daacish oo u hanjabtay shirkadda DAHABSHIIL

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Maleeshiyada Kooxda Daacish ee Soomaaliya ayaa fariin hanjabaad ah u dirtay maamulka Shirkadda Dahabshiil ee Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya waxaana soo baxaya cabsi ay qabaan Shaqaalaha Shirkadaasi.

Xubno katirsan Xawaaladda iyo Bankiga Dahabshiil ayaa Caasimada Online u sheegay in ay wajahayaan xaalad Qatar ah kadib markii lagu wargeliyay hanjabaadda Daacish ee ka dhanka ah Dahabshiil.

Dadka aan la hadalnay ayaa noo sheegay in shir deg deg ah loo qabtay dhamaan Shaqaalaha Shirkadda Dahabashiil islamarkaana ay kulamadaasi ka dhaceen xarun walba oo ay leedahay Shirkadda Dahabshiil waxaana lagu wargeliyay in ay taxadaraan.

“Waxaa noola sheegay in ay jirto baqdin amaanka ah kadib markii ay Daacish u hanjabtay maamulka iyo shaqaalaha Dahabshiil” ayuu yiri qof aan la hadalnay oo katirsan Shirkadda Dahabshiil.

Daacish ayaa ka doonaya Dahabshiil malaayiin lacag ah oo ay ku sheegeen in loogu adeegayo dadka Islaamka ah, sida ay hadalka u dhigeen. Daacish waxay Dahabshiil ka dooneysaa lacag aan yareyn oo ku dhawaad 10 Malyan oo Dollar ah waxaana maamulka Shirkadda ay sheegeen in aysan awoodin bixinta lacagtaas.

Hore Daacish waxay toogasho ku dishay xubno badan oo ka tirsan Shirkadda Hormuud kadib markii ay diiday bixinta lacag ay ka dooneysay Daacishta Soomaaliya waxayna hadda u muuqaataa in Dahabshiil ay marayso xaaladdi Hormuud.

Halkaan ka daawo Ahlu Sunna oo hub kala dagtay Dhuusamareeb iyo Saraakiil xoog looga saaray

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this