Sign in to follow this  
Deeq A.

Dhul Gariir ku dhuftay qeybo ka mid ah Puntland

Recommended Posts

Deeq A.   

Boosaaso (SMN) – Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Dhul Gariir saacadihii la soo dhaafay ku dhuftay deegaano ka tirsan maamulka Puntland.

Hay’adda Indho-indheysay qaab dhismeedka iyo muuqaalka dhulka ee Mareykanka ayaa sheegtay in shalay dhul-ruxan uu ka dhacay waqooyi bari ee Soomaaliya.

Sida ku xusan warbixin ka soo baxday U.S. Geological Survey, Dhul Gariirka ayaa ku dhuftay gudaha badda ku beegan tuulada Bereeda oo ka tirsan gobolka Bari.

Cabirka Dhul Gariirkaasi ayaa gaarayey 5.0, sida lagu sheegay warbixinta ay soo saartay hay’addaasi

Sidoo kale badka goobta Dhul Gariirka laga dareemay ayey USGS shaaca ka qaadey in uu deegaankaasi u jiray 171 KM.

Ma shaacin hay’addu waxyeelada uu geystay Dhul Gariirkan oo ay xustay in la dareemay abaare fiidkii hore ee xalay.

“Waxaa uu saameeyay 10 KM oo isku wareeg ah. Jihadiisa waqooyi waxay ahayd 13.3039 degree iyo 50.449 oo Barri ah,” ayey raacisay.

Puntland illaa iyo hadda kama aysan hadlin Dhul Gariirkaasi la soo wariyey, kaas oo dhif iyo naadir ku ah geyiga Soomaaliya.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this