Sign in to follow this  
Deeq A.

Canada oo war ka soo saartay geeridii Hodan Naaleeye

Recommended Posts

Deeq A.   

Toronto (SMN) – Ra’iisal wasaaraha Canada Justin Trudeau  ayaa si kulul u cambaareyey weerarkii xooganaa ee lagu qaaday magaalada Kismaayo ee caasimadda maamulka Jubbaland ee koonfurta Somalia, kaas oo ay ku dhinteen 26 qof oo ay ku jirto suxufiyad Soomaali-Canadian ah iyo sayigeed.

Sida ay xaqiijiyeen saraakiisha amaanka Jubbaland, Hodan Naleye oo 43 jir aheyd oo aheyd suuxufiyad deganeyd Toronto iyo ninkeeda Fariid Jaamac, waxay labaduba joogeen Hotel ku yaalla Kismaayo markii Jimcihii ay halkaasi ay xoog ku galeen rag ka tirsan Al-Shabaab, ka dibna ay geysteen qarax iyo toogasho toos ah.

Hadal qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska ra’iisal wasaaraha, ayaa Trudeau waxa uu tacsi u diray qoyskii, eheladii iyo dadka Soomaaliyeed ee ay Hodan Naaleeye ka geeriyootay.

Sidoo kale waxaa qaraxii Kismaayo cambaareeyey wasiirka socdaalka , jinsiyaddaha iyo arrimaha qaxootiga ee Canada Axmed Huseen, isagoo ka tacsiyadeeyey dhibaatadii halkasi ka dhacday, sida laga soo xigtay qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka.

Waxa uu qoraalkiisa ku sheegay in Hodan Naaleeye ay aheyd suxufiyad soo bandhigi jirtay sheekooyinka dhinaca wanaagsan, uuna waxqabadkeeda ka muuqday Canada.

Hodan waxay sanadkii 2014-kii bilowday barnaamij Tv oo la yiraahdo “Integration TV” kaas oo ay kaga hadli jirtay baraamijyada is dhexgalka bulshada.

Waxay kaloo aheyd aasaasaha mashruuc lagu wacyigelinayo qaxootiga Soomaaliyeed, kaas oo u doodi jiray qaxootiga Soomaaliyeed ee dunida ku firirsan.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this