Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-Shabaab oo 45 cisho u qabtay Ergadii soo xulay BFS

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – War ka soo baxay Al-Shabaab ayaa fariin culus loogu diray Ergadii soo xulay xildhibaanda BFS iyo kuwa maamul goboleedyada  dalka.

Bayaanka ka soo baxay Al-Shabaab oo ku qornaa luqadaha Soomaaliga iyo English-ka ayaa looga dalbaday Ergada inay isa soo diiwan geliyaan.

Al-Shabaab ayaa Odayaasha soo doortay baarlamaanka u qabtay muddo 45 cisho oo ka bilaabaneyso maanta oo ah 15/7/2019, illaa 1/9/2019-ka.

“Waa inay iska diiwaangeliyaan maamulada wilaayaadka islaamiga ah ee koofurta iyo bartamaha Soomaaliya muddo 45 maalmood ah.”ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay Al-Shabaab.

Sidoo kale waxa ay intaasi ku dareen in Qof kii dhega adeega amarkaasi ay marin doonaan Shareecada Islaamka, sida ay hadalka u dhigeen.

Hadalkan ayaa ku soo aadaya, xilli horay Al Shabaab ay u sheegteen dilal loo geystay qaar ka mid ahaa ergooyinkii wax ku soo doortay xildhibaanada baarlamaanka, kuwaas oo siyaabo kala duwan loogu toogtay gudaha dalka.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this