Sign in to follow this  
Deeq A.

Maamule cusub oo loo magacaabay dugsiga sare ee Cumar Samatar

Recommended Posts

Deeq A.   
HIISKA.jpg?w=1000&ssl=1Maamulaha cusub ee Cumar Samatar

Wasiirka wasaaradda waxbarashada dowladda Puntland Cabdullaahi Maxamed Xassan ayaa maamule cusub u magacaabay dugsiga sare ee Cumar Samatar oo ku yaalla magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

wareegto ka soo baxday xafiiska wasiirka ayaa maamulaha cusub ee dugsiga sare ee Cumar Samatar loogu magacaabay Cabdullaahi Cawil cali waxaana la faray in uu si karti iyo hufnaan leh u guto xilka loo magacaabay.

Sidoo kale dhammaan shaqaalaha wasaaradda Waxbarashada dowladda Puntland ayaa la faray in ay maamulaha cusub ka gacan-siiyaan siduu u gudan lahaa waajibaadka shaqo ee loo igmaday.

Dugsiga sare ee Cumar Samatar ayaa sida la sheegayo sannadihii u dambeeyay la kulmay hoos u dhac dhanka waxbaridda ardayda ah isagoo ka haray kaalmaha sare ee imtixaanka shahaadiga ah.

Halkaan hoose ka eeg wareegtada wasiirka

CAWIL-CALI.jpg?w=1000&ssl=1

PUNTLAND POST

The post Maamule cusub oo loo magacaabay dugsiga sare ee Cumar Samatar appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this