Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxay tahay ujeedada ka dambeyso abaalmarintii la siiyey xildhibaan Odawaa?

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Qiimayn ay sameeyeen dhalinyarada madasha U-Abaal-Gud ayey ku sheegeen in 30 xildhibaan oo lagasoo doortay Galmudug ay ku tartansiiyeen uuna kaalinta koowaad ugalay Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odowaa oo wax muuqda ka qabtay deegaannadii lagasoo doortay.

Wax qabad ay kamid yihiin ceelal qodis iyo mashaariic kale uu ka fuliyay deegaanka lagasoo doortay ayuu ku mutaystay Abaalmarinta ay madasha U-Abaal-gud siiyeen Xildhibaan Odowaa.

Siciid Dhaan suge, agaasimaha madasha qiimaynta samaysay oo sharaxaad ka bixiyay abaalmarinta ay gudoosiiyeen Xildhibaabka ayaa sheegay in 30-ka xildhibaan ee qiimaynta ay ku sameeyeen uu Odowaa noqday ninkii ugula mudnaaday marka ay arkeen waxqabadka uu ka sameeyay deegaan doorasheedkiisa.

Dhanka kale Mahad Diiriye Cabdi oo kamid ah Dhalinyarada madasha ayaa sheegay qaabka ay u mareen soo xulitaanka guulaystaha waxa uuna yiri:

“Mudanahaan waxan kasoa xulanay mudanayaal 30 iyo kasii badan ah oo ay isku deegaan doorasho yihiin kaligiis ma ahan inta wax qabadka laga helay laakiin waa midka koowaad ee ugu mashaariicda badnaa matalayaasha heer Fedaraal ee deegaan dorashadoodu tahay Galmudug, kuwa kale waxay isugu jiraan kuwa deegaan doOrashadoOda geeyay maashariic wax ku ool ah oo aan wadno xaqiijinta howlahaas si loo abaalsiiyo laakiin madashu ma soo bandhigto midka aan wax qaban shaqadeenu waa dhiiri galinta midka wax qabtay”

Qiimaynta iyo abaalmarinta Mudanayaasha Baarlamaanka ayaa ah fikrad cusub oo keeni karta in lugu tartamo wax qabadka loo igmaday golaha iyo mashaariicda looga baahanyahay deegaannada lagasoo doorto, waxana howshan markii ugu horraysay qabtay Dhalinyaradaan Madasha U-Abaal-gud oo fadhigoodu yahay Magaalada Muqdisho.

Halkaan ka daawo Ahlu Sunna oo hub kala dagtay Dhuusamareeb iyo Saraakiil xoog looga saaray

923c7b06-bcae-438c-adad-d46952f46a61.jpg a61453f8-0e20-433d-be3e-470508cfa864.jpg 381fd530-eec4-472a-83c0-431e8f3112db.jpg e8665160-e888-41bb-af37-bf53e06163a3.jpg
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this