Sign in to follow this  
Deeq A.

Xildhibaan kale oo Villa Somalia ku eedeeyey inay ka dambeysay qaraxii Kismaayo

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Xildhibaan Maxamed Cali Cumar (Caana-nuug) ayaa sheegay inuu jiro tuhun ku saabsan qaraxii iyo weerarkii jimcihii la soo dhaafay ka dhacay magaalada Kismaayo aysan Shabaab kaliya ku laheyn.

Xildhibaanka ayaa wareysi uu siiyay Idaacada Kulmiye ayaa sheegay in weerarkii ka dhacay Jimcihii uu yahay mid ku cusub Jubbaland oo aheyd meel nabdoon oo xasillooni ka jirtay, balse qaraxaas iyo weerarkaas lagu soo aadiyay xilli xasaasi ah oo doorasho ku soo fool leh Jubbaland.

“Laamaha ambiga ayaa howsha gacanta ku haya, hotelka la weeraray wuxuu ahaa Hotel cusub oo dadka ay xiiseynayeen, wixii baaritaan iyo xog Hey’addaha Amniga ayaa og, laakiin Shabaab kaliya howl ku eg ma aheyn, howl dad badan ka soo shaqeeyeen oo juhdi iyo waqti la geliyay buu ahaa, mid ka mid ah raggii weerarka soo qaaday ayaa gacanta lagu hayaa”ayuu yiri Xildhibaan Caana-Nuug.

Xildhibaanka ayaa sheegay inuu isaga ka mid ahaa dadkii ku jiray Hotelka, xilliga la weerarayay, isla markaana labo saac habeenimo laga soo badbaadiyay oo Ciidamada Ammaanka u soo gurmadeen sida uu yiri.

Waxaa uu sheegay in dowladda Federaalka ay muddo ku heysay Jubbaland dagaal curyaamin ah, isla markaana doorashada ku soo fool leh Jubbaland iyo weerarka dhacay ay wax badan iska kaashan karaan.

“Gacmo waa weyn ayaa meesha ku jira oo howsha fududeysay, qarax si weyn loo soo agaasimay buu ahaa, doorashada Jubbaland ku soo fool leh, dagaalka dowladda Federaalka kula jirto iyo wax badan baa iskaashanaya tuhun badan ayaa nagu jira”ayuu yiri Xildhibaan Caana-Nuug.

Shalay ayey aheyd markii Xildhibaan Xasan Cabdi Ismaaciil (Xasan Yare) oo ka tirsan Xildhibaanada Golaha Shacabka ee laga soo doortay Jubbaland uu  sheegay inay tuhmayaan in weerarkii jimcihii la soo dhaafay ka dhacay Hotel ku yaal Kismaayo uu ahaa mid la soo maleegay oo la doonayay in lagu qalqal geliyo amniga doorashada ku soo fool leh Jubbaland.

“Khilaafka siyaasadeed ee xilligan ka dhex jira dowladda Federaalka iyo Jubbaland in dadka laga mashquuliyo xaalada kale iyo waxaan tuhmeynaa in Shabaab iyo Villa Somalia uu xiriir ka dhaxeeyo oo xaalada taagan in qalqal amni laga abuuro Kismaayo”ayuu yiri Xildhibaan Xasan Yare.

Weerarkii jimcihii la soo dhaafay ka dhaca Kismaayo ayaa waxaa mas’uuliyadiisa sheegatay Al-Shabaab, waxaana weerarkaas lagu dilay illaa 26 ruux, halka 50 kalena ku dhaawacmeen, waxaa uu ahaa weerarkii u horeeyay noociisa oo Al-Shabaab ka fuliso Kismaayo.

Halkaan ka daawo Ahlu Sunna oo hub kala dagtay Dhuusamareeb iyo Saraakiil xoog looga saaray

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this