Sign in to follow this  
Deeq A.

Algeria Iyo Senegal Oo Iska Xaadiriyay Finalka Koobka Qaramada Qaarada Afrika

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Waxaa xalay la cayaaray kulamadii afar dhamaadka koobka qaramada qaarada Afrika ee ka socda wadanka Masar.

1563139871ffb8d.jpg

Xulka kubada cagta ee Senegal ayaa la cayaaray Tunisia iyadoo kulankaan uu ahaa kulan aad u adag.

Labada koox ayaa soo bandhigay kulan aad u xamaasadeysan waxaana oo isku dhiib dhiib badan kadib qeybtii hore ay ku soo dhamaatay 0-0.

Marka laga soo laabtay qeybtii nasashada ayaa labada wadan waxay sameeyeen dadaalo badan balse uma saamixin inay goolal iska dhaliyaan

Daqiiqadii 75-aad ee cayaarta ayaa garsooraha wuxuu u dhigay gool ku laad xulka Tunisia balse waxaa ka khasaariyay cayaariyahanka khadka dhexe oo lagu magacaabo F. Sassi.

Si la mid ah xulka Senegal ayaa helay daqiiqadii 81 gool ku laad waxaana fursada iyagana ka lumiyay H. Saivet oo khadka dhexe ka uga ciyaara Senegal.

Dhamaadkii cayaarta daqiiqadiihii dheeriga ahaa ee lagu daray ayaa xulka Tunisia waxay iska dhaliyeen gool waxaana sabab u ahaa Tunisia D. Bronn.

Dhanka kale waxaa kulmay isla xalay wadamada Nigeria iyo Algeria kadib kulan dhacay garoonka Cairo Int’l Stadium.

Kooxda Algeria ayaa dar dar la soo gashay kooxda garoonka waxaana daqiiqadii 40 gool iska dhaliyay xulka Nigeria taasi oo sababteeda lahaa W. Troost-Ekong oo ka tirsan xulka Algeria.

Markii dib la iskugu laabtay ayaa Nigeria ay sameysay dadaal badan iyadoo daqiiqadii 75-aad ee qeybtii qeybta danbe goolka ay iska soo gudeen Nigeria kadib khalad uu galay difaaca Algeria.

Garsooraha ayaa dhigay gool ku laad waxaana u soo istaagay cayaariyahan ka lambarka sagaalaad ee Nigeria O. Ighalo waxaana uu dib u soo celiyay rajadii Nigeria.

Markii lagu daray daqiiqadiihii dheeriga ahaa ayaa laad xor ahaa oo loo dhigay xulka Algeria waxaa u dhaliyay xiddiga ay ku duulayaan ee Riyaad Mahrez.

Cayaarta ayaana ku soo dhammaatay sidaas waxaana kulanka kama danbeesta ah wada cayaari doona wadamada Algeria iyo Senegal maalinta Jimcaha.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this