Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Trump Oo Markale Weerar Afka Ah Ku Qaaday Ilhan Cumar

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Washington)-Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa lagu eedeeyay in ereyo ay cunsurinimo ku jirto ku weeraray afar dumar ah oo ka tirsan Congresska Maraykanka isag oo ku tilmaamay in aanay ahayn Maraykan dhalad ah.

IlhanOmar-Trump.jpeg

Warkan ka soo yeedhay Trump ayaa waxaa si weyn uga soo horjeestey siyaasiyiin badan oo ay ka mid tahay afhayeenka Aqalka Wakiilada Nancy Pelosi iyo weliba qaar kamid ah musharaxiinta madaxweynaha ee xisbiga Dimuqraadiga.

Trump ayaa haweenkan oo ay ku jirto Ilhan Cumar ku tilmaamay inay ka soo jeedaan wadamo burbursan oo uu qalalaase ka jiro waxana uu ugu baaqay inay wadamadooda dib ugu laabtaan.

Saddex ka mid ah afartooda, oo kala ah Alexandria Ocasio-Cortez, Rashida Tlaib iyo Ayanna Pressley ayaa ku dhashay kuna barbaaray Mareykanka, halka Ilhaan Cumar ay iyadoo yar tagtay Mareykanka.

Trump ayaa hadalkiisii sii raaciyay in afhayeenka Aqalka Congresska ay ku farxi doonto ayna si dhaqso ah dumarkaas ugu diyaariso safarkooda bilaashka ah.

Hase yeeshee, Nancy Pelosi ayaa si weyn u cambaareysay hadalka kasoo yeedhay madaxweyne Trump, halka Rashida Tlaib ay jawaabteeda Twitter-ka iyadana ku sheegtay baaq ay ku jeedisay in xilka laga qaado Mr Trump.

Ilhaan Cumar oo galinkii dambe ee maanta kusoo jawaabtay Twitter-keeda ayaa eedeyn culus u jeedisay madaxweynaha, iyadoo sheegtay “inay u dhaarteen sidii ay ula dagaallami lahaayeen madaxweynaha ugu musuqmaasuqa badan ee abid soo maray Mareykanka”.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this