Sign in to follow this  
Deeq A.

Dhul-gariir Culus Oo Xalay Ku Dhuftay Qeybo Kamid Ah Dalka Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT- Bareeda)-Wararka naga soo gaadhaya Gobolka Bari ee dalka Soomaaliya ayaa sheegaya in halkaas xalay fiidkii laga dareemay dhul-gariir.

soomaaliya.png

Khubarrada dhinaca Dhul-gariirka ee dalka Mareykanka ayaa sheegay in dhul-gariirkaas cabbirkiisu uu ahaa 5.0magnitude .

Meelaha Dhul Gariirkan xalay laga dareemay waxaa ka mid ah Magaalada Bareeda ee Gobolka Bari oo ku taalla Xeebta Gobolka Bari ee Puntland.

Dhul-gariirkan xalay ku dhuftay Gobolka Bari ayaa ka dhacay meel Magaalada Bareeda u jirta 171 KM.

Waxaa uu saameeyay 10km isku wareeg ah, waxaana jihadiisu ahayd 13.3039 digrii oo waqooyiga ah iyo 50.449 oo jihada bari ah.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this