Sign in to follow this  
Deeq A.

Haweenay Uu Dhalay Guddoomiyaha Guurtidu Somaliland Oo Mashaariic Ku Kacaysa Malaayiin Dollar Ka Soo Qaadato Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Dawlada federaalka ah ee Somaliya ayaa qalinka ku duugtay mashruuc ballaadhan oo waxbarasho kaasi oo ku kacaya 67.5milyan qaybta Somaliland oo doraad Hargaysa lagu qabtay.

c3.jpg

Mashruucan oo looga faa’idayn doono 400. 000 oo qof oo caruur ubadan waxaana laga fulinayaa Somaliya oo idil oo ay ku jirto Somaliland, sida sawirada ka muuqada magaalada Muqdisho waxa heshiiskan qalinka lagu duugay 11/7/2019 oo ku beegnayd maalin Khamiis ah, sida wasiirka waxbarashada ee dawlada Federaalka Somaliya sheegay Cabdilaahi qodox Barre.

Waxaana mashruucan fulintiisa iska kaashanaya dawlada Federaalka iyo Hay’adda Education Cannot wait iyo Adventist developing and relieve agent.

a-1.jpg

Dhinaca kale waxa Somaliland masuul uga ah dawlada Federaalka iyo Hay’adda Education Cannot Wait iyo gabadh uu dhaliyay gudoomiyaha golaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan.

b2.jpg

Waxa Mashruucana shalay Hargaysa ku daahfuray Madaxwayne ku xigeenka Somaliland oo ay hareer Fadhido gabadha uu dhalay gudoomiyaha golaha Guurtida Somaliland Saleebaan, Saynab Saleebaan, Hadaba Arintan ay gabadhani ka soo saxeexday dawlada Somaliya maxaa keenay in adhigii Somalilandna uu sucuudiga ugu xanib naado saxeexa Dawlada Somaliya oo xukuumada Somaliland diiday?

Capture.png

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this