Sign in to follow this  
Deeq A.

Galmudug oo qaaday tallaabo culus iyo rag loo soo qabtay qaraxyadii Dhuusamareeb

Recommended Posts

Deeq A.   

Dhuusamareeb (Caasimada Online) –  Ciidamada ammaanka ee Galmudug oo saacadihii la soo dhaafay howlgallo ka sameeyey Dhuusamareeb ayaa gacanta ku soo dhigay rag loo heytso qaraxyadii shalay ka dhacay gudaha magaaladaasi.

Howlgallada oo ahaa kuwa xoogan ayaa waxaa si wadajir ah u fuliyey ciidamada Booliska iyo kuwa Nabad Sugida ee maamulkaasi.

Saraakiil ka tirsan kuwa Galmudug ayaa sheegay in labo nin loo soo qabtay weeraradii shalay gilgilay magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud.

Sidoo kale saraakiisha ayaa tilmaamay inay tuhmayaan in raggani ay ka tirsan yihiin Al-Shabaab, balse ay haatan ku socdaan baaritaano dheeraad ah.

Al-Shabaab ayaa sheegtay qaraxyada ka dhacay halkaasi, waxaana ay sheegeen inay khasaaro ku gaarsiyeen xubno ka tirsan Ahlu-Sunna Waljamaaca.

Xaaladda Dhuusamareeb ayaa saaka degan, waxaana ku sugan Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo weli kulamo iyo dadaallo nabadeed ka wada halkaasi.

Dhawaan ayaa la filayaa in magaalada ay marti gelisay shirka dib u heshiisiinta iyo doorashada dowlad goboleedka Galmudug.

Halkaan ka daawo Ahlu Sunna oo hub kala dagtay Dhuusamareeb iyo Saraakiil xoog looga saaray

Caasimada Online
Xafiiska Dhuusamareeb

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this