Sign in to follow this  
Deeq A.

Canada oo ku dhawaaqday go’aan halis ku ah Al-Shabaab

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)  – Ra’iisul wasaraaha dalka Canada Justin Trudea ayaa ku dhawaaqay in dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ay dowladdiisu ka taageeri doonto dagaalka adag ee haatan lagula jiro dhaq dhaqaaqa Al-Shabaab.

Justin Trudea oo ka hadlay weerarkii Kismaayo ayaa sheegay in aan indhaha laga laaban karin falalka guracan ee ay geysanayaan Al-Shabaab, sida uu hadalka u dhigay.

Ra’isalwasaraaha Canada ayaa carabka ku dhuftay in dowladda federaalka ay kala shaqeynayaan, sidii nabad buuxdo loogu soo dabaali lahaa Soomaaliya.

“Anaga oo kaashaneyno Beesha Caalamka ayaan ka shaqeyn doonaa sidii xididada loogu siibi lahaa xagjirnimad.”ayuu yiri Ra’iisul wasaare Justin Trudea.

Dhinaca kale wuxuu Tacsi u diray Ehellada ay dadkoodu ku dhinteen weerarkii sabtidii ka dhacay Kismaayo, kuwaas oo ay ku jireen muwaadiniin u dhashay dalkiisa.

Al-Shabaab ayaa dhabarka u ritay weerarkaasi oo ay ku dhinteen 26 Qof, sidoo kalena ay ku dhaawacmeen 56 kale oo u badan dad rayid ah oo aan waxba galabsan.

Halkaan ka daawo Ahlu Sunna oo hub kala dagtay Dhuusamareeb iyo Saraakiil xoog looga saaray

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this