Deeq A. Posted July 15, 2019 Bareeda (Caasimadda Online) – Wararka naga soo gaaraya Gobolka Bari ee Soomaaliya ayaa sheegaya in halkaas xalay fiidkii laga dareemay dhul Gariir. Khubarrada dhinaca Dhul Gariirka ee dalka Mareykanka ayaa sheegay in dhul Gariirkaas cabbirkiisu ahaa 5.0magnitude . Meelaha Dhul Gariirkan xalay laga dareemay waxaa ka mid ah Magaalada Bareeda ee Gobolka Bari oo ku taalla Xeebta Gobolka Bari ee Puntland. Dhul Gariirkan xalay ku dhuftay Gobolka Bari ayaa ka dhacay meel Magaalada Bareeda u jirta 171 KM. Waxaa uu saameeyay 10km isku wareeg ah,waxaana jihadiisu ahayd 13.3039 digrii oo waqooyiga ah iyo 50.449 oo jihada bari ah. Soomaaliya kuma badna dhul Gariirrada ilaa haddana faah faahin rasmi ah lagama helin Dhul Gariirka xalay fiidkii ka dhacay Xeebaha Magaalada Bareeda ee Gobolka Bari ee Puntland Soomaaliya. Halkaan ka daawo wixii kusoo kordha Dhul gariirka iyo Ahlu Sunna oo hub kala dagtay Dhuusamareeb Caasimada Online Xafiiska GarooweCaasimada@live.com Share this post Link to post Share on other sites