Sign in to follow this  
Deeq A.

Jubbaland oo amar culus siisay hay’adaha amniga + Dhageyso

Recommended Posts

Deeq A.   

Kismaayo (Caasimada Online ) – Madaxweyne ku xigeenka mamulka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan oo shir jaraa’id u qabtay warbaahinta ayaa ka warbixiyey shir looga hadlayay amniga oo lagu qabtay magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Maxamuud Sayid Aadan ayaa marka hore ka digay in la siyaasadeeyo amniga magaaladaasi.

Sidoo kale wuxuu sheegay in haatan wixii ka dambeeya amar culus iyo qorsheyaal cad la siiyey hay’adaha amniga, kuwaas oo lagu xoojinayo nabad gayada inta ay ka dhaceyso doorashada guud ee dowlad goboleedka Jubbaland.

Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland Maxamuud oo hadalkiisa sii wata ayaa tilmaamay in loo baahan yahay in laga wada qeyb qaato xasiloonada nabad galyada.

Waxa kale oo ugu baaqay siyaasiyiinta iyo shacabka inay garab siiyaan ciidanka amniga, si looga hortago weeraro markale ka dhaca halkaasi.

Hadalkan ayaa ku soo aadaya, xilli 12-kii bishan weerar ku bilowday Ismiidaamin Al-Shabaab ay ku qaadeen hoteel ku yaalla magaallo Xeebeedka Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.

Halkan hoose ka dhageyso Codka.

https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/07/cod-1-jubbalabd-.mp3

Halkaan ka daawo Ahlu Sunna oo hub kala dagtay Dhuusamareeb iyo Saraakiil xoog looga saaray

Caasimada Online
Xafiiska Dhuusamareeb

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this