Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-Shabaab oo 45 maalin u qabatay odayaal ay ku sheegeen inay ka baxeyn Diinta Islaamka

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Ururka Al-Shabaab ayaa 45 maalin u qabtay Odayaashii soo xulay Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya iyo kuwa Maamul Goboleedyada kuwaas oo ay sheegeen inay ka baxeen Diinta Islaamka.

Bayaankaan oo ku qornaa luuqadaha Soomaaliga iyo English-ka ayaa lagu sheegay in Odayaashu ay ku dheceen “Fal gaalnimo ah”, lagana doonayo in ay ka berii noqdaan ficilka ay ku dheceen.

Waxaa loo qabtay muddo 45 maalmood oo ka bilaabaneysa 15-07-2019 kuna eg 01-09-2019-ka, iyadoo Al-Shabaab ay kula talisay in ay iska diiwaan geliyaan maamullada hoos tago ee ka jiro Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya.

Al-Shabaab ayaa ku hanjabtay inay dili doontaa odaygii aan qaadan amarka kasoo baxay.

Al-Shabaab ayaa horey u dishay odaal badan oo ka tirsan kuwii soo xulay Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaliya iyo kuwa Maamul Goboleedyada.

Al-Shabaab ayaa fal gaaleysiin ah ku rido cid kasta oo ka hor timaado caqiiqadooda qalafsan ee aan meelna ka waafaqsaneyn sharciga Islaamka.

Halkaan ka daawo Al-Shabaab oo soo bandhigtay saxawanka, qeylada iyo codadkii kooxdii weerartay Kismaayo

Halkaan ka akhriso bayaanka kasoo baxay Al-Shabaab

Page1-1.jpg

Page2-1.jpg

Page3-1.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this