Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiirka qorsheynta oo la kulmay guddoonka G/Shacabka

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Jamaal Maxamed Xasan wasiirka wasaaradda Qorsheynta Xukuumadda federaalka ayaa ka warbixiyey kulan gaar ah oo uu saacadihii la soo dhaafay Villa Hargeysa kula qaatay guddoonka golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya.

Wasiirka Qorsheynta ayaa sheegay in arrimaha ay ka wada hadleen uu ka mid ahaA diyaarinta sharci haga hay’adaha dowliga aheyn oo ay wado wasaaraddiisa.

Wuxuu tilmaamay in NGO-yadu ay malaayiin doolar ku soo qaataan arrimaha Soomaaliya, islamarkaana aan la ogeyn meel ay mariyaaan Lacagahaasi..

Guddoonka BFS ayuu ka codsaday in ay kala shaqeeyaan meel marinta sharcigaasi, si looga hago hay’adahaasi.

Halkan hoose ka dhageyso Codka.

https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/07/Cod-Wasiir-Jamaal.mp3

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this