Deeq A. Posted July 15, 2019 Bariire (SMN) – Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxay weerar ay xalay Al-Shabaab ku qaadeen deegaanka Bariire ee gobolka Shabeelaha Hoose. Weerarka oo ahaa mid culus ayaa abaaro 8:00 fiidnimo Al-Shabaab waxa ay ku ekeeyeen fariisimo ciidamada Milatariga Soomaaliya ay ku leeyihiin deegaankaasi. Sida ay wararku sheegayaan weerarka kadib ayaa waxaa halkaasi ka dhacay dagaal foolka fool ah oo dhexmaray labada dhinac. Ilo deegaanka ah ayaa Shabelle u sheegay in dagaalkaasi oo muddo daqiiqado ah socday la’isku adeegsaday hubka nuucyadiisa kala duwan. Ma cadda illaa iyo hadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarkaasi iyo dagaalka xigay intaba. Xaaladda ayaa saaka deggan, waxaana goobihii lagu diriray ku sugan ciidamada dowladda Soomaaliya. Bariire oo qiyaas ahaan 65 KM dhinac koonfur galbeed ka xiga Muqdisho ayaa ka mid ah deegaanada ay dhawaan la wareegeen ciidamada Milatariga Soomaaliya. View the full article Share this post Link to post Share on other sites