Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Erdogan Oo Shaaciyay In Trump Uu Ka Tanaasuli Karo Cunaqabatayn La Saaro Turkiga

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Ankara)-Madaxweyne Erdogan waxa uu sheegay in uu dhigiisa Maraykanka awood Maamul u leeyahay in aanu ku dhawaaqin cunaqabataynta Turkiga, kadib qndaraaskii ay Raashiya kaga iibsadeen Gantaalladda Nidaamka Difaaca ee S400.

ERDOGAN-AND-TRUMP-750x430.jpg

Erdogan oo Suxufiyiinta la hadlay waxa uu ku baaqay in la helo xal-dhexe oo looga gudbo Khilaafkaasi, isagoo xusay inay Turkiga diyaar u tahay inay iibsadaan Gantaalladda Patriotic ee lagu farsameeyo Maraykanka.

Warbaahinta Turkiga ee Haberturk waxay ka soo xigatay Madaxweyne Erdogan inay iibsashadda Gantaalladda Nidaamka Difaaca ee S400 ahayn inay u diyaar garoobayaan dagaal, balse ay ku xaqiijinayaan Nabadda iyo amaanka qranka.

Khilaafka Turkiga iyo Maraykanka ayaa sababay inay Saraakiisha Maraykanka sheegaan inay qorsheynayaan cunaqabatayn ay toddobaadkan ku soo rogaan dalka Turkiga.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this