Sign in to follow this  
Deeq A.

TRUMP oo weerar culus iyo aflgaado xun ku qaaday Soomaaliya iyo Ilhan Cumar

Recommended Posts

Deeq A.   

Washington (Caasimada Online) – Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa weerar culus ku qaaday Ilhaan Cumar iyo dalka ay kasoo jeedo Soomaaliya, oo uu si aad ah u aflagaadeeyey iyo madaxda Soomaaliya.

Qoraalka Trump ayaa sidoo kale ku wajahnaa xildhibaano kale oo ka tirsan congress-ka Mareykanka, oo kala ah Rashida Tlaib, Ayanna Pressley Alexandria iyo Ocasio-Cortez .

kuwaas oo sidoo kale Trump uu aflgaadeeyey dalalkooda.

Saddex qoraal oo uu shalay Trump soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayuu haweenka ka tirsan Congress-ka ugu eedeeyay inay haweenkan “si joogto ah” u dhaliilaan isaga iyo waddanka Mareykankaba.

Wuxuu qoraalkiisu ahaa sidan: “Way xiiso badan tahay in la arko ‘horumarka ay gaareen’ haweenka Congress-ka ee xisbiga Dimuqraaddiga, kuwaasoo markoodii hore ka yimid dalal ay dowladahoodu gabi ahaanba burbursan yihiin qalalaasena ku jiraan, midda ugu sii xunna, ah waddamada ugu musuqmaasuqa badan adduunka oo dhan(xitaa haddiiba ay shaqeeyaan), haddana waxay cod dheer dumarka noocaas ah ugu sheegayaan dadka Mareykanka, oo ah dowladda ugu awoodda badan adduunka, sida wax loo maamulo.

“Maxay dib ugu laaban la’yihiin dalalkooda, si ay uga caawiyaan dib u dhiska dowladahooda burbursan iyo dalalkooda ay dambiyada ka dhacayaan. Kaddibna hanoo soo laabtaan oo hanoo sheegaan sida ay usoo hirgaliyeen”.

“Meelahaas ayaa aad garab idiinkaga baahan, si dhakhso ah kuma bixi kartaan. Waan hubaa inay Nancy Pelosi aad ugu farxi doonto inay si deg deg ah u diyaariso qorsheyaal safarro oo bilaash ah”.

Sidoo kale Ilhaan Cumar oo kusoo jawaabtay Twitter-keeda ayaa eedeyn culus u jeedisay madaxweynaha, iyadoo sheegtay “inay u dhaarteen sidii ay ula dagaallami lahaayeen madaxweynaha ugu musuqmaasuqa badan ee abid soo maray Mareykanka”.

Caasimada Online
Xafiiska Minneapolis
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this