Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Kenya oo ajande siyaasadeed u adeegsatay weerarkii hotelka Kismaayo

Recommended Posts

Deeq A.   

Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda Kenya ayaa arrimo siyaasadeed uga faa’iideysatay weeraradii iyo qaraxyadii Al-Shabaab ay ka fulisay magaalada Kismaayo.

Wasiirka arrimaha dibadda Kenya, Monica Juma ayaa durba weerarkii Kismaayo ku baaqday in Dhaq dhaqaaqa Al-Shabaab lagu daro liiska waxa loogu yeero argagixisada.

Monica Juma ayaa sheegtay in weerarkii Kismaayo uu ahaa qeyb kale oo Beesha Caalamka xusuusineysa qatarta Al-Shabaab iyo in loo baahan yahay in ururkaas lagu calaameeyo liiska QM ee argagixisada.

Waxaa ay soo jeedisay in sida ugu dhaqsiyaha badan Golaha amaanka ee Qaramada Midoobey uga hadlaan arrinta Al-Shabaab.

Arrinta ururka Al-Shabaab iyo in lagu daro liiska argagixisada ayaa ah arrin siyaasadeed oo ay isku hayaan dowladaha Soomaaliya iyo Kenya. Dowladda Soomaaliya ayaa aad u diidan in Al-Shabaab lagu daro liiska QM ee argagixisada.

Dowladda Soomaaliya ayaa rumeysan in haddii sidaas ay dhacdo ay Kenya iyo dalalka kale uga faa’iideysan karaan inay ku beegsadaan shaqsiyaadka iyo shirkdaha Soomaaliyeed.

Waxa ay si gaar ah uga cabsi qabtaa in Kenya ay arrintan kula wareegi karto hantida Soomaaliyeed ee taalla dalkaas, ayada oo qofkii ay doontaba inay beegsato si fudud ula xiriirin karta Al-Shabaab.

Halkaan ka daawo Villa Somalia oo lagu eedeeyey qaraxii Kismaayo, go’anadii Beesha Sacad ee Galmudug & shirqoolka Qadar

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this