Sign in to follow this  
Deeq A.

Somaliland oo war cusub kasoo saartay halka ay mareyso ictiraafka ay adduunyada ka raadineyso

Recommended Posts

Deeq A.   

Hargeysa (Caasimada Online) ― Xukuumada Somaliland ayaa ka hadashay dedaalada kala duwan ee ugu jirto Ictiraafka ay ka baadi-goobeyso beesha caalamka.

Yaasiin Faratoon, Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland ayaa sheegay inay meel fiican marayaan dedaalada ay ugu jiraan ictiraaf raadinta, isagoona ka dhawaajiyey in Somaliland ay xiriiro fiican la leedahay wadamo badan oo caalamka.

Wasiir Faratoon ayaa sidoo kale waxa uu ka hadlay safarkii Madaxweyne Biixi ee dalka Gini, kaasi oo uu ku sheegay inay kamid tahay dadaalada lagu sii xoojinayo ictiraafka ay Somaliland baadi-goobka ugu jirto, wuxuuna yiri:

“Socdaalkii aynu dhawaan ku tagnay dalka Gini, waa mid ka mid ah dadaalkeen aynu ku xoojinayno haddana Wadankan xidhiidh aad u fiican baa inaga dhexeeya weyna ka garaabeen qadiyadeena, xidhiidh aad u fiicana hadda weynu leenahay”.

“Wadamada kale Afrika sida Itoobiya, Jabuuti iyo Kenyana xidhiidh aad u fiican baynu leenahay, Wadan kasta oo Afrika ah iyo Wadan kasta oo ka mida ah Wadamada kale ee Caalamkana waxaanu jecel nahay inaynu la yeelano xidhiidh, Dawladda Somaliya waxaa u quman inay dib iskugu noqoto, maxaa yeelay Somaliland ma xukunto, Wadamada aanu tagaynana uguma amar qaadanayno umana daba fadhiisanayno”.

Wuxuuna intaas kusii daray “Somaliland maanta oo qudha Ictiraaf uma baahna ee tan iyo markii aynu xoriyadeena dib ula soo noqoay 1991, xaq baynu u leehayn in la ina aqoonsado, dariiq kasta oo aynu u marayno aqoonsigeena weynu u maraynaa, albaab kastana weynu u garaacayna”.

“Caalamka waxaa la gudboon inay aqoonsi buuxa ina siyaan,maxaa yeelay shuruud kasta oo looga baahan yahay dal madax banaan weynu buuxinay, Xukuumad ahaana waanu wadnaa dadaalka aqoonsi raadinta, ee Shacabkeena meel kasta oo ay joogaan waxaa la gudboon inay qaranimadooda ilaashadan”.

Halkaan ka daawo Villa Somalia oo lagu eedeeyey qaraxii Kismaayo, go’anadii Beesha Sacad ee Galmudug & shirqoolka Qadar

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this