Sign in to follow this  
Deeq A.

Gudoomiyaha Maxkamadda Sare oo shir ka furay Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Guddoomiyaha maxkamadda Sare Dalka Baashe Yuusuf Axmed ayaa maanta magaalada Muqdisho ka furay kulan wada-tashi ah oo labo maalmood socon doona,kaasi  oo looga hadlayo aas-aaska Machadka tababarka Garsoorka oo dhowaan dalka laga hirgalin doono.

Kulanka waxa ka soo qayb galay qeybaha kala duwan ee garsoorka dalka, Jaamacadaha iyo ururada bulshada,sidoo kale waxaa madasha furitaanka kulan wada-tashiga goob joog ahaa Xeer-aaliyaha Guud ee Qaranka iyo Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir Muse Amiin.

Machadka ayaa wuxuu qayb ka yahay dib-u-habeyn balaaran oo garsoorka dalka lagu wado. Wuxuu si joogto u kobcin doonaa tayada iyo aqoonta garsoorka, waxaanu noqon doonaan xarun aqooneed iyo cilmi-baariseed garsoorku leeyahay.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this