Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidanka Soomaaliyeed ee ugu hobboon inay galaan hotellada iyo maqaayadaha ay weeraraan Al-Shabaab

Recommended Posts

Deeq A.   

Soomaaliya oo ka soo kabaneysa dhibaatooyin badan oo ay ka dhaxashay dagaaladii Sokeeye ee dalka ayaa wajaheysa qatarro badan oo dhanka amaanka oo uga imaanaya Al-shabaab iyo xoogaga kale ee Argigixisada ah ee dalka ku sugan.

Maleeshiyada naxariis laawayaasha ah ee Al-shabaab ayaa si isku mid ah u weerara dhamaan Shacabka Soomaaliyeed waxaana agtooda isugu mid ka ah saqiirka aan waxba kala aqoon iyo waayeelka marasta ah. Raga iyo dumar ayey laayaan waliba si ka baxsan bini aadinimada.

Dowladda Soomaaliya ayaa leh Ciidan dhowr nuuc ah oo doonaya in ay ubabac dhigaan qatarta Al-shabaab ee xasuuqa dadka shacabka ah laakiin Ciidanka ayaa ku kala wanaagsan qaybaha dagaalka ee Al-shabaab waxaana muuqata in Dowladda iyo dadka Soomaaliyeed ku baraarugsaneen.

Weerarada Al-shabaab ee loo dhaco hoteelada iyo maqaayadaha oo intooda badan ka dhici jiray magaalada Muqdisho ayaa hadda waxay u muuqataa in ay ku biiriyeen Gobalada dalka.

Tirade Al-shabaab ay ku dilaan weerarada nuucaas ah kuwa lamid ah waxaa dial Ciidamada qaar ee howlgalka samatabixinta sameeya. Waxaana ugu daran dadka ku go’dooma goobaha Al-shabaab laga saari waayo.

Tusaale ahaan weeraradii ka dhacay Kismaayo Ciidamada ka howlgalay waxay ahaayeen Ciidanka DANAB oo mar dambe lagu biiriyay waxaana la isku dumiyay Al-shabaab qayb kamid ah hoteelka ku jiray iyo dad shacab ah oo qayb kale ku go’doonsanaa.

Weerarkaas uguma horreyso, hadda ka hor Booliiska Soomaaliya ayaa sidaan oo kale isku dul baabi’iyay Al-shabaabkii weeraray iyo dad shacab ah hoteelka Maka Al-mukarama iyo Maqaayadda Hilaac UK.

Ciidanka Gaashaan oo katirsan Ciidamada gaarka ah ee Soomaaliya waa Ciidanka kaliya ee aan qarxin dabaqyada ay galaan Al-shabaab sidoo kalane aan ka fulin toogasho wadareed.

Askarta Gaashaan waxay toos u galaan qolka iyo guriga la aaminsanyahay in ay ku jiraan dagaalamayaasha Al-shabaab iyagoo toogta iyadoo aan la qarxin si aysan u galaafan shacabka go’donsan ama waxay u huraan naftooda.

Tusaae, magaalada Kismaayo waxaa toos u galay qol ay ku jiraan dagaalamayaasha Al-shabaab hal Askari oo katirsan Gaashaan waxa uuna soo badbaadiyay 7 qof oo shacab ah isagoo toogtay 2 dagaamale kadibna waxay toogtay Askarigii Gaashaanka ahaa waana sababta dhalisay in dhismaha lagu qarxiyo Al-shabaab ayna halkaasi ku dhintaan dad kale oo shacab ah.

Sidoo kale goobaha loo diro Gaashaan ma qaadato waqti dheer waxa ayna awood u leyihiin in ay wiiqaan qatarta Maleeshiyada Al-shabaab. Al-shabaab kaliya waxaa la dagaalami kara umad mideysan iyo dowlad ay ka go’antahay cirib tirka Al-shabaab.

FG: Dhamaan Ciidanka Soomaaliya waa dedaalayaan waxaana ka go’an dabar goynta Al-shabaab balse waxaa muuqata in Ciidanka Gaashaan ay yihiin kuwa ugu haboon ee toos ugala, qataraha adag ee lagu badbaadiyo shacabka Soomaaliyeed waxayna mudanyihiin in lagu abaalmariyo loona fududeeyo shaqada adag oo ay haayan.

Sanadihii ugu dambeeyay waxaa Ciidankaas hoos u dhigay loolan u dhaxeeya Saraakiisha Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya, gaar ahaan Taliska Booliiska Gobalka Banaadir oo daaqadda ka sii saaraya dedaalada Ciidankaasi.

Intaas oo dhan waxaa ka fiican islamarkaana aan rajeynaynaa in ay dhamaadaan dhamaan qataraha amni ee Soomaaliya iyo qorshaha cadowga ee umadda Soomaaliyeed.

Halkaan ka daawo Farmaajo oo ka dambeeyey qaraxii Kismaayo, go’aanadii Sacad ee Galmudug & shirqolka Qadar

W/Q: Safiya Cabdullaahi Garaad
Muqdisho, Soomaaliya

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this