Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-Shabaab oo warbixin deg deg ah kasoo saartay qaraxyadii Dhuusamareeb

Recommended Posts

Deeq A.   

Dhuusamareeb (Caasimadda Online) – kooxda Al-Shabaab ayaa ka hadashay qaraxyadii Maanta ka dhacay Magaalada Dhuusa Mareeb ee Caasimadda Maamulka Galmudug.

War rasmi ah oo kasoo baxay Xarakada Al-Shabaab  ayay ku sheegatay mas’uuliyadda laba weerar oo ka dhacay bartamaha magaalada sida ay hadalka u dhigeen.

“Mujaahidiinta ayaa howlgallo khasaara lagu gaarsiiyay maleeshiyaadka Ahlu Sunna ka fuliyay magaalada Dhuusamareeb ee wilaayada Galguduud” ayaa lagu yiri war kooban oo Al-Shabaab kasoo baxay.

Al-Shabaab ayaa sheegtay inay khasaaro xoog leh gaarsiisay ciidamada Ahlu Sunna iyo saraakiil ay sheegtay inay maamulkaas ka tirsanayeen, inkastoo wararka madaxa banaan ay sheegayaan inuu qaraxaas kaliya dhaawac kasoo gaaray 5 qof oo 4 kamid ah ay ahaayeen hal qoys halka mid kalana uu ahaa Xildhibaan ka tirsan Galmudug.

Wararka laga helayo ayaa Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa ay sheegayaan in Jugta qarax labaad laga maqlay gudaha Magaaladaas,kaasi oo la sheegay inuu ahaa mid ay qarxiyeen Ciidamada amniga.

Dadka goob joogayaal ah ayaa soo sheegaya in qaraxaas uu ahaa miino ay qarxiyeen Ciidamada amniga,isla markaana aysan jirin cid wax ku noqotay.

Sidoo kale Ciidamada amniga dowlad Goboloeedka Galmudug iyo kuwa Ilaalada gaarka ah Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa waxaa ay baaritaano kala duwan ka wadaan Dhuusamareeb,iyagoona gacanta ku dhigay dad u badan dhalinyaro.

Halkaan Ka Daawo Taariikhda qarsoon ee Al-Shabaab iyo waxa ku qasbay qaraxyada

Caasimada Online
Xafiiska Dhuusamareeb
Caasimada@live.com 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this