Deeq A. Posted July 14, 2019 Kismaayo (SMN) – Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya howlgallo ciidanka Jubbaland ay ka sameeyeen magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose. Howlgallada oo ahaa kuwa xoogan ayaa waxa ay xalay ciidamadu ka fuliyeen xaafado ka tirsan magaaladaasi. Ciidamada ayaa la sheegay inay xireen dhaq dhaqaaqa Kismaayo, inta ay socdeen baaritaanadaasi. Lama shaacin illaa iyo hadda natiijada rasmiga ah ee ka soo baxday baaritaanada la sameeyey halkaasi. Saraakiil ka tirsan kuwa ammanka ee Jubbaland oo aan la xariirnay ayaa ka gaabsaday inay ka hadlay howlgalladaasi. Habeen ka hor ayey aheyd markii weerar xoogan oo khasaare geystay Al-Shabaab ay ku qaadeen Hoteel ku yaalla magaalada Kismaayo ee xarunta KMG Jubbaland. View the full article Share this post Link to post Share on other sites