Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamada DF oo deegaano hor leh ka qabsaday Al-Shabaab

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – War ka soo baxay taliska ciidanka Xoogga dalka ayaa lagu sheegaya in Al-Shabaab laga qabsaday deegaano dhowr ah oo ku yaalla gobolka Shabeelaha Hoose.

Col. Maxamed Cabdullaahi Caraalle, taliyaha ururka 35-aad guutada 7-aad qeybta 60-aad oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa xaqiijiyey in ay la wareegeen tuullooyinka Leego, Yaqbirweyne, Madax -Maroodi iyo deegaano kale oo dhammaantood ka tirsan gobolkaasi.

Sidoo kale taliyaha ayaa xusay in howlgalkaasi ay ku dileen ku dhawaad 15 ka tirsanaa Al-Shabaab, kuna gubeen gaadiid, sida uu hadalka u dhigay.

Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhinaca dhaq dhaqaaqa Al-Shabaab oo ku aadan howlgalkaasi.

Muddooyinkii la soo dhaafay ciidamada DFS iyo kuwa AMISOM ayaa kordhiyey dhaq dhaqaaqyada Milatari ee ay ka wadaan koonfurta iyo bartamaha dalka.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this