Sign in to follow this  
Deeq A.

Qarax xoogan oo goor dhow ka dhacay Dhuusamareeb

Recommended Posts

Deeq A.   

Dhuusamareeb (SMN) – Warar goor dhow na soo gaaray ayaa ku warramaya in qarax Ismiidaamiin ahaa uu ka dhacay M/ Dhuusamareeb ee xaruta gobolka Galgaduud.

Qaraxa oo ahaa mid xoogan ayaa waxa uu ka dhacay maqaayad ku taalla ka soo horjeedka xarunta Inji ee magaaladaasi.

Sida ay Shabelle u sheegeen dad goobjoogayaal ah qof isku soo xiray walxaha qarxa oo fadhiyey Maqaayada ayaa is qarxiyey.

Wararka qaar ayaa sheegaya in qaraxa ay ku dhaawacmeen 3 Qof oo uu ku jiro Xildhibaan Sheekh Cabdiraxmaan Barakaqabe oo ka mid ah baarlamaanka Galmudug.

Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ayaa gaaray goobta, kuwaas oo gabi ahaan xiray meesha uu qaraxu ka dhacay.

Wixii soo kordho kala Radioshabelle.com 

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this