Deeq A. Posted July 14, 2019 Muqdisho (Caasimada Online) – Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya howlgallo qorsheysan oo ciidamada Milatariga dowladda Soomaaliya ay ka fuliyeen qeybo ka mid ah gobolka Shabeelaha Hoose. Howlgallada oo ahaa kuwo xoogan ayaa ka dhacay agagaarka degmada Wanlaweyn. Taliyaha ururka 35-aad guutada 7-aad qeybta 60-aad Col. Maxamed Cabdullaahi oo la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa ka warbixiyay howlgalladaasi. Taliyaha ayaa sheegay kadib dagaal ay la galeen Al-Shabaab ay ku dileen ku dhawaad 15 dagaalyahan, sidoo kalena ay ku gubeen gaadiid ay lahaayeen, sida uu hadalka u dhigay. Col. Maxamed ayaa intaasi ku daray in howlgalladan ay kula wareegeen deegaanada Leego, Yaqbirweyne iyo Madax -Maroodi. Sidoo kale wuxuu taliyuhu hoosta ka xariiqay inay sii wadi doonaan dhaq dhaqaaqyada ay ka wadaan gobolka Shabeelaha Hoose. Dhanka kale ma jiro war ka soo baxay Al-Shabaab oo la xariira howlgalladaasi. Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa maalmihii dambe sare u qaaday howlgalada Al-Shabaab looga saarayo deegaanada ay weli maamulaan Halkaan Ka Daawo Qorshihii yaabka lahaa ee qaraxii Kismaayo & Axmed Madoobe oo qeyb ka ahaa Caasimada Online Xafiiska NairobiCaasimada@live.com Share this post Link to post Share on other sites