Sign in to follow this  
Deeq A.

Kulan Lagu Xalinayo Khilaaf U Dhaxeeya Dalal Ku Yaalla Afrika Oo Ka Furmay

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT- Angola)-Madaxweynaha Rwanda iyo dhiggiisa Uganda ayaa balan qaaday inay ku kulmi doonaan dalka Angola si loo dhammeeyo khilaafka u dhaxeeya labada Wadan.

1563048984a4ae7.jpg

Madaxweyne Paul Kagame iyo Yoweri Museveni, oo mar ahaa saaxiibo ayaa sanadkii hore weerar dhanka afka ah iskugu qaaday iyaga oo adeegsanaya Warbaahinta.

Hoggaamiye yaashaan ayaa mid ba mid kale ku dhaliilay in uu ku soo xadgudbay qaranimada iyo siyaasada Dalkiisa.

Arintaan ayaa saameyn ay ku yeelatay dhaqaalaha iyo isku socodka wadamada Rwanda iyo Uganda.

Bishii May ayey aheyd markii booliska Uganda ay ku eedeeyeen Milatariga Rwanda in ay ka soo talaabeen xadka deetana ay dileen laba Hablood.

Madaxweynaha Angola Joao Lourenco ayaa shir looga hadlayo amniga ku casuumay Kagame, Museveni iyo madaxweynaha sanadkaan la doortay ee Congo Felix Tshisekedi.

Shirkaan ayaa ka dhici doona magaalada caasimada ah ee Luanda ee dalka Angola.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this