Sign in to follow this  
Deeq A.

Mareykanka Oo Qorsheynaya Cunaqabatayn Ka Dhan Ah Turkiga.

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Ankara)-Dowladda Maraykanka ayaa la filayaa inay dabayaaqadda toddobaadkan ku dhawaaqdo Cunaqabatayn ka dhan ah Dowladda Turkiga, kadib markii ay iibsadeen Gantaalladda Nidaamka Difaaca ee S400 ee lagu farsameeyey Raashiya.

Mareykanka-640x430.jpg

Wargeyska Bloomberg ee ka soo baxa Maraykanka ayaa qoray inay ilo-wareedyo u xaqiijiyeen qorshaha Cunaqabatayntaasi, waxayna Kooxda Madaxweyne Donald Trump hore u garwaaqsadeen Xidhmooyin cunaqabatayn oo ka dhan ah Turkiga

Bilosgii toddobaadkan, Hoggaanka Guddiyadda Aqalka Senedka dalkaasi ugu qaabilsan Arrimaha Ciiddanka iyo xiriirka Dibedda waxay soo wada saareen War-saxaafadeed ay ugu baaqeen Madaxweyne Trump inuu cunqabatayn ku soo rogo Turkiga, kadib markii ay heleen Shixnadii ugu horreysay ee Gantaalladda Raashiya ee Nidaamka difaaca ee S400

Jimcihii la soo dhafaay, Wasaaradda Difaaca Turkiga waxay sheegtay inay qeybtii ugu horreysay Gantaalladdaasi soo caga-dhigteen magaalada Ankara.

Dowladaha Raashiya iyo Turkiga waxay bishii December ee sannadkii 2017-kii kala saxiixdeen Heshiis dayn ah oo Turkiga looga iibinayo Nidaamka Difaaca ee S400.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this