Sign in to follow this  
Deeq A.

Dhageyso: Waare oo shaaciyey sababta isbedallada loogu sameeyo HIIRAAN

Recommended Posts

Deeq A.   

Beledweyne (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka HirShabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa ka hadlay sababta mar kasto isbedallada loogu sameeyo maamulka gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya.

Waare ayaa tilmaamay in arrintan ay saldhig u tahay maamul xumo uu sheegay inay ka jirto gobolkaasi.

Sidoo kale wuxuu carabka ku dhuftay inuu cudur ku jira gobolka Hiiraan, sida uu hadalka u dhigay.

Madaxweynaha HirShabelle ayaa intaasi raaciyey in loo baahan yahay in wadatashi guud laga sameeyo xaaladda Hiiraan iyo sidii loo hormarin lahaa.

Saddexdii sano ee ay jirtay HirShabelle waxaa gobolkan isku bedalay ku dhawaad 10 guddoomiye oo uu mid kasto xafiiska joogay muddo yar.

Guddoomiyihii ugu dambeeyey ee Yuusfuf Dabageed ayaa shalay si rasmi ah xilka ugu wareejiyey guddoomiyaha cusub ee Cali Muxumed Caraale.

Dabageed ayaa muddo diidanaa inuu xilka wareejiyo, waxaana dagaal ka dhashay xiisadaasi ku dhintay taliyihii booliska gobolka Hiiraan Marxuum Maxamed Macow.

Halkan hoose ka dhageyso Codka.

https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/07/Cod-Waare.mp3

Halkaan ka daawo Xog xasaasi ah oo ku saabsan shabaabkii weeraray hotelka kismaayo

Caasimada Online
Xafiiska Beledweyne

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this