Deeq A. Posted July 14, 2019 Nairobi (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha dibadda dalka Kenya Monica Juma oo ka hadleysay awooda Al-Shabaab ayaa sheegtay in weli halis ay ku yihiin gobolka. Monica ayaa tilmaamtay in loo baahan yahay in meel looga soo wada jeesto dagaalka adag ee lagula jiro Al-Shabaab, si looga adkaato. Sidoo kale waxa ay ku baaqday in Dhaq dhaqaaqa Al-Shabaab lagu daro liiska waxa loogu yeero kooxaha Argagixisada. Wasiir Monica Juma oo ka hadleysay weerarkii Kismaayo ayaa sheegtay inuu muujinayo qatarta xoogan ee ay lee yihiin Al-Shabaab. Waxa kale oo ay sheegtay in dowladdeedu ay ka xuntahay weerarkaasi, islamarkaana ay tacsiyadeyneyso dadkii ku dhintay halkaasi Beesha caalamka, gaar ahaan golaha ammaanka ee QM ayey u soo jeedisay inay si deg deg ah ugu daraan liiska Argagixisada caalamka. Al-Shabaab oo ka dagaalama gudaha Soomaaliya ayaa inta badanweeraro geysta khasaare xoogan ku qaada gudaha dalka Kenya. Halkaan Ka Daawo Qorshihii yaabka lahaa ee qaraxii Kismaayo & Axmed Madoobe oo qeyb ka ahaa Caasimada Online Xafiiska NairobiCaasimada@live.com Share this post Link to post Share on other sites