Sign in to follow this  
Deeq A.

Militariga Yemen oo sheegay in ay dileen in ka badan 20 xubnood oo ka tirsan Xuutiyiinta

Recommended Posts

Deeq A.   

Ciidamada militariga waddanka yemen ayaa sheegay in ay Sabtidii shalay dileen in ka badan 20 xubnood oo ka tirsan malayshiyaadka Xuutiyiinta kadib dagaal culus oo ka dhacay gobolka Ma’rab ee bariga dalkaasi.

Af-hayeen u hadlay ciidamada militariga Yemen ayaaa sheegay in dagaalka halkaasi ka dhacay lagu fashiliyay isku day ay malayshiyaadk ka tirsan Xuutiyiinta ku doonayeen in ay si dhuumasho ah ugu gudbaan buuraleyda gobolka Ma’rab.

Sida uu af-hayeenka sheegay ciidamada militariga Yemen ayaa kooxda Xuutiyiinya ku khasbay in ay dib uga laabtan gobolka kadib markii lag dilay in ka badan 20 xubnood tiro kalena laga dhaawacay.

Balse ma uu sheegin khasaaraha ay dagaalkaasi kala kulmeen ciidamada Militariga Yemen sidoo kale ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhanka Xuutiyiinta oo lagu xaqiijiyay sheegashada militariga Yemen.

Waddanka Yemen ayaa sannadkii shanaad waxaa ka socda dagaallo u dhexeeya militariga Yemen iyo xulafadooda Carbeed oo dhinac ah iyo malayshiyaadka Xuutiyiinta oo ka horjeeda waxaana dagaalkaasi uu burbur laxaad leh u gaystay guud ahaan waddanka.

PUNTLAND POST

The post Militariga Yemen oo sheegay in ay dileen in ka badan 20 xubnood oo ka tirsan Xuutiyiinta appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this