Sign in to follow this  
Deeq A.

CC Shakuur oo shaaciyey waxyaabaha suurta-galiyey weerarkii ka dhacay Kismaayo

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) ― Siyaasiga Cabdiraxamaan Cabdishakuur Warsame ayaa si adag u cambaareeyay weerarkii Kooxda Al-shabaab ay ka fulisay hotelka Cascaseey ee magaalada Kismaayo.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa ka tacsiyadeeyay dadkii kala duwana ee ku naf waayey weerarkaasi, isagoona si gaar ah uga tacsiyadeeyay eheladii ay ka baxeen Hodan Naaleeye iyo Deeq Ciise Webi oo labadooduba ka shaqeyn jirey arrimaha samafalka.

Cabdiraxmaan ayaa sheegay in weerarkan fulintiisa looga faa’iideystay xiisada ka taagan arrimaha doorashada Jubaland iyo loolanka adag ee Siyaasada.

Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa arrintaasi kaga hadlay qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook, isagoona ku baaqay in reer Jubaland ay mudnaanta koowaad siiyan nabad-galyadooda, wuxuuna u dhigna qoraalkiisu sidan:

“Waxaan canbaaraynayaa weerarka ay argagexisada arxan laawayaasha ahi ku qaadeen Hotel Cascaseey ee magaalada Kismaayo.

Allaha u naxariisto dadkii weerarkaa ku shahiiday. Waxaan si gaar ah ugu tacsiyeynayaa eheladii iyo asxaabtii ay ka baxeen Hodan Naaleeye iyo Deeq Ciise Webi oo labaduba ka shaqaynayey samafalka iyo daryeelka bulshadda.

Way cadahay in cadawgu uu ka faa’iideystay xili doorashada Jubaland iyo loolanka siyaasadeed. Reer Jubaland waa in ay meel iska dhigaan loolanka siyaadadeed, mudnaantana siiyaan nabadgelyadooda iyo la dagalaanka argagexisada, dawlada Federaalka ahna waa in ay garab ku siisaa”.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this