Sign in to follow this  
Deeq A.

Ambassador Abdirizak Diinaari oo soo bandhigay dhaliisha Xisbiga Kulmiye Iyo waxyaabahii uu doorashada ku galay oo fashilmay

Recommended Posts

Deeq A.   

DHALIISHA RASMIGA EE XUKUMADDA KULMIYE EE U HOGAAMINAYO MADAXDAWEYNE MUUSE BIIXI IYO FULIN LA’AANTA BALAN-QAADYADDII KAAMBBEYNKA DOORASHADDA
—————————————————————

• La dagalanka xoriyatul qowlka
• Sixir-bararka
• Cadaadiska Xadhiga siyaasi ah
• Hoos u dhaca siyasadda arimaha dibadda
• Hoos u dhaca iyo xayiradda Ganacsiga dibadeed ee muwadininta reer somaliland.
• Khilaafka siyasadeed ee asxbaata qaranka iyo xukumadda ee arimaha dorashoyinka

• Khilaafka goboladda bariga
• Go’aan qaadasho La’aanta heshiiskii cali khalif ee khaatumo ee xukumadda kulmiye

• Xil-gudasho La’aanta iyo habacsanaanta nabadeynta gobolka Sanaag.

• Waxbarashadda iskuuladda dowladda (Public School) oo hoos u dhacddey,

• Tayadda caafimaadka oo dalka oo dhan Wali Aan xukumaddani kor uqaadin Dadkuna Wali ey qabaan daryeel La’aanta caafimaadkooda

• Biyo La’aanta caasimadda iyo dalkoo dhan ey wali dadku ku dhiban yihiin iney heli karaan biyo ku filan.

• Waddo xumadda ka jirta dalka oo sababeysa Maalin walba in gaadiidku inuu galo shilal-badan oo ey sababaan geeri kuna naf-Waayaan muwadiniin reer Somaliland ah.

• Cidhiidhiga diplomasiyadeed ee soo wajahey xukumadda kulmiye eyna sabab u tahey siyaasadda aan laga fiirsan ee arimaha dibadda.

• Hawaddii Somaliland oo aan xukumadeenu dadka u cadeyn sababta loogaga adkaaddey heshiiskii hawadda ee Istanbul ee dowladda Federaalka. Hadii Somalia awood diplomasiyadeed isticmaashey Maxaa xukumadda somaliland UMADDA u sheegeysa

• Kala qeybsanaanta shacabka reer Somaliland ee Xanaftii dorashaddu sababtey oo aan xukumaddu Wax-siyasadda oo dadka la isugu soo dhoweynayo aan ila hadda la iman.

• Xadhiga siyaasiyiinta asxaabta qaranka iyo saxafiyiinta reer Somaliland.

• Saami-qeybsiga shaqalaha xukumadda iyo mansabyadda Siyaasiga ah ee xukumadda kulmiye oo dhinac ka raran?

• Wadda-Tashi La’aanta xukumadda iyo aqoonyahanka dalkeena iyo asxaabta qaranka ee xukumadda kulmiye oo ey ku lumeen go’aamo maasiriya oo qarankeenu hormar ku gaadhi laha.

• Xukumadda oo aan Ila hadda fulin, waxyabaha ey ku gashey kaambeynka doorashadda. Ilaa hadda hal-qadob oo la taaban karo aaney jirin. Marka lagaa reebo Barnaajimka shaqo qaran, uu aan isna wali la gaadhin waqti qiimeyntiisa la soo bandhigo, madaama oo wali lagu gudda jiro.

• Deeqahaa waxbarashadda dibadda oo aan goboladda dalka loo xaqsoorin. Tusaale aan usoo qaadan karo, deeqdii waxbarahso ee Ethiopia siisey Somaliland, Balse goboladda bariga saami ku filan aan laga siin.

Isku soo wadda duubo dhaliisha xukumadda ayaa ah midaanan halka ku soo koobi Karin. Waxana qabaa in shacabku qodobaddan oo dhan indhaha Mariyo xukumaddana kula xisaabtamaan.

La soco qeybta LABAAD
#Ambasador Abdirizak Diinaari

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this