Deeq A. Posted July 13, 2019 Muqdisho (SMN) – Guuleed Qaasim, oo kamid ah murashaxiinta doorashada xilka madaxtinimada Jubbaland ayaa ka hadlay xaalada guud ee maamulkan. Ugu horeyn, siyaasiga ayaa wuxuu ka tacsiyeeyay weerarkii ay Al-Shabaab ka fulisay huteel ku yaala Kismaayo oo lagu dilay in ka badan 20 ruux. Murashax ayaa sidoo kale wuxuu ku ammaanay ciidamada ammaanka sida ugu dhaqsiyaha badan ee ay kusoo afjareen dhacdadaasi. Isaga oo soo hadal qaadey arrimaha doorashooyinka ayuu sheegay in uu muuqdo shaki ku aadan in ay xiligeeda ku qabsoonto cod-bixinta. Mr Guuleed Qaasim ayaa ku eedeeyay hogaanka Jubbaland in uu caburin ku hayo murashaxiinta oo loo diidan yahay in ay olalahooda qabsadan. Halkan hoose ka dhageyso wareysi uu siiyey Shabelle oo uu kaga hadlayo arrimo badan oo quseeya xaaladaha Jubbaland. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/07/Wareysi.mp3 View the full article Share this post Link to post Share on other sites