Sign in to follow this  
Deeq A.

Jubbaland oo lagu eedeeyay caburinta murashaxiinta

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Guuleed Qaasim, oo kamid ah murashaxiinta doorashada xilka madaxtinimada Jubbaland ayaa ka hadlay xaalada guud ee maamulkan.

Ugu horeyn, siyaasiga ayaa wuxuu  ka tacsiyeeyay weerarkii ay Al-Shabaab ka fulisay huteel ku yaala Kismaayo oo lagu dilay in ka badan 20 ruux.

Murashax ayaa sidoo kale wuxuu ku ammaanay ciidamada ammaanka sida ugu dhaqsiyaha badan ee ay kusoo afjareen dhacdadaasi.

Isaga oo soo hadal qaadey arrimaha doorashooyinka ayuu sheegay in uu muuqdo shaki ku aadan in ay xiligeeda ku qabsoonto cod-bixinta.

Mr Guuleed Qaasim ayaa ku eedeeyay hogaanka Jubbaland in uu caburin ku hayo murashaxiinta oo loo diidan yahay in ay olalahooda qabsadan.

Halkan hoose ka dhageyso wareysi uu siiyey Shabelle oo uu kaga hadlayo arrimo badan oo quseeya xaaladaha Jubbaland.

https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/07/Wareysi.mp3

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this