Deeq A. Posted July 13, 2019 Muqdisho (SMN) – Wakiilka gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya Francisco Madeira, ayaa si xooggan u cambaareeyay weerarkii shalay gelinkii dambe kooxdaAl-Shabaab ka geysteen Hotel ku yaalo magaalada Muqdisho,h alkaasi oo toboneeyo qof oo shacab ah lagu dilay kuwo kalena lagu dhaawacay. Ambassador Francisco Madeira, ayaa tacsi u diray qoysaska dhibanayaasha ay waxyeelada ka soo gaartay weerarka , isagoona dadka dhaawaca ah u rajeeyay iney si dhaqsi ah u bogsadaan. “Soomaaliya waxay horumar weyn ka sameysay sidii ay u qabsan lahayd dhul baaxad weyn,waxayna argagixisada ka saartay meelo badan oo dalka ka mid ah. Ciidamada AMISOM waxay sii wadi doonaan inay taageeraan Ciidamada Ammaanka ee Soomaaliya iyaga oo sii amba-qaadaya xoreynta deegaanada ku harsan gacanta kooxaha nabad diidka ah,” ayuu yiri Madeira. View the full article Share this post Link to post Share on other sites