Sign in to follow this  
Deeq A.

Isgoys ku yaalo Muqdisho oo lagu kala cararay iyo boorso qarax laga soo buuxiyey oo taal

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Wararka naga soo gaarayo Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya ayaa sheegayo inay Ciidamada Dowladda xireen Isgoyska KM4.

Aargada Isgoyska Nambar Afar ayaa waxaa lasoo dhigay boorso weyn oo loo maleenayo in laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa.

Ciidamada Dowladda ayaa xiray Isgoyska iyo nawaaxigiisa waxaana loo diiday dadweynaha iyo gawaarida inay isticmaalaan.

Ciidamada Dowladda ayaa hadda wado baaritaan ku aadan waxa ay tahay boorsadaan, waxaana meesha la keenay eeyo loogu talagalay in lagu baaro boorsadaan.

Dhawaan ayey aheyd markii ciidamada Dowladda ay fashiliyeen baabuur waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyey oo isku dayey inuu ka gudbo jid ay ciidamada ammaanka ku xireen carro.

Dowladda Soomaaliya ayaa maalmihii dambe aad u adkeysay ammaanka Muqdisho waxayna taas sabab u noqotay in laga hortago weeraro iyo qaraxyo ay fulin lahaayeen Kooxda Al-Shabaab.

Halkaan ka daawo Xog xasaasi ah oo ku saabsan shabaabkii weeraray hotelka kismaayo

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
caasimada@live.com

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this