Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiirka Hawlaha Guud oo hortegay Golaha Shacabka

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib u dhiska iyo Guriyeynta Xukuumadda Soomaaliya ayaa Maanta horgaysay Golaha Baarlamaanka Hindise Sharciyeeyada kala ah:-

  1. Hindise Sharciyeedka Wadooyinka.
  2. Hindise Sharciyeedka Xamuulka & Xadaynta Cabirka Baabuurta.

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud Cabdi Aadan Hoosow, Wasiir ku-xigeenka Jamaal Xasan Ismaaciil, Agaasimaha Maamulka & Maaliyadda Eng. Maxamed C/qaadir iyo Hawl wadeeno ka tirsan Wasaaradda Hawlaha Guud ayaa hortagay Fadhigii Xildhibaanada Baarlamaanka ee Maanta.

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud Abdi Adam Hoosow ayaa Xildhibaanada Kahor sheegay Muhiimadda Sharciyeedyadan ay u leeyihiin Dalka iyo Heerarkii kala duwanaa ee ay soo martay diyaarintoodu.

Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa Marsiin doona Hindise Sharciyeedyadan Akhrinta 1aad & 2aad ayaagoona markaa kadib Ansixin doona.

IMG-20190713-WA0052.jpgIMG-20190713-WA0054.jpgIMG-20190713-WA0056.jpg

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this