Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Laba arrin oo sababay dagaalkii Puntland iyo R/W Kheyre ee W/Gaalkacyo

Recommended Posts

Deeq A.   

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, ayaa dhowaan ka baaqday Munaasabad ka dhici laheyd Madaxtooyada magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug ee dhanka Puntland, waxayna arintaasi dhalisay buuq badan iyo qayla dhaan ka soo baxday maamulka Puntland.

Caasimada Online ayaa ogaatay in laba arrin ay sababtay ka baaqashada munaasabadii ay soo qaban qaabiyeen Golaha Wasiirada ee Puntland taas oo ka dhici laheyd Madaxtooyada magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug.

Puntland ayaa marka hore dood gelisay socdaalka Ra’iisul Wasaaraha ee Waqooyiga Gaalkacyo, iyagoo ku sheegay in Kheyre uusan u imaanin Puntland balse uu u yimid Shacabka Galmudug islamarkaana looga baahan yahay in uu ka laabto Koonfurta Gaalkacyo.

Puntland waxay u aragtay in Kheyre uu booqday labada dhinac ee Gaalkacyo mid Galmudug u marqaati fureysa lahanshiyaha Guud Gaalkacyo kana saareysa wararka sheegay in Galmudug ka kooban tahay Gobal iyo Bar.

Madaxweyne Deni ayaa dalbaday in Kheyre marka hore yimaado Garowe kadib loo ogolaado Waqooyiga Gaalkacyo si socdaalka Puntland uga soo bilaawdo Garowe balse dood dheer kadib waa la isku fahmi waayay.

Puntland waxay ogolaatay in Ra’iisul Wasaaraha yimaado Waqooyi Gaalkacyo balse waxay sharuud kaga dhigtay in uu odayaasha dhaqanka kula hadlo Madaxtooyada Gaalkacyo iyo in Dhalinyarada kula hadlo Garoonka Kubadda Cagta ee Gaalkacyo balse saacadihii dambe ee maalintii uu tagi lahaa Gaalkacyo ayaa xaaladda is badashay.

Kooxda qaban qaabada Socdaalka Ra’iisul Wasaaraha iyo hey’adaha ammaanka ayaa Wasiirada Puntland waxay ku wargeliyeen in magaalada Gaalkacyo ay soo galeen 2 Gaari oo qaraxyo ah sidaas darteed uu Ra’iisul Wasaaraha tagi karin Garoonka oo ay ku diyaarsanaayeen Dhalinyaro reer Gaalkacyo ah.

Kheyre ayaa Ciidamadii la socotay ku amray in ay la wareegaan amaanka Garoonka lagana qaado kuwada Puntland islamarkaana la xiro dhamaan wadooyinka soo gala iyo kuwa ka baxa waxaana sidaas sameeyay Ciidamadii gaarka ahaa ee Ra’iisul Wasaare Kheyrre.

Ogolaansho la’aan ayuu Xasan Cali Kheyre galay Waqooyiga magaalada Gaalkacyo islamarkaana kula hadlay dhalinyaradii ku diyaarsaneed Garoonka kubadda Cagta ee Gaalkacyo.

  1. Digniin amni oo siyaasadeysan oo ay saareen Wasiirada iyo Saraakiisha amaanka Puntland
  2. Iyo Maamulka Puntland oo diidanaa in Kheyrre booqdo Waqooyiga Gaalkacyo isagoo aan soo marin Garowe ayaa sabab u ahaa in Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre Waqooyiga Gaalkacyo ku galo qaab aysan rabin Puntland.

Puntland waxay xoog badan gelisay in aysan is arkin Kheyre iyo dhalinyarada hadii uu soo booqdo Waqooyi Gaalkacyo iyadoo ka door bideysay in uu la kulmo dhaqanka maadaama aysan dhalinyaro ka hadli doonin rabitaanka Puntland balse ay aaminsanaayeen in ay ka hadli doonaan rabitaankooda oo kaliya, taasi oo ay ku guul-darreysatay.

Halkaan ka daawo Xog xasaasi ah oo ku saabsan shabaabkii weeraray hotelka kismaayo

Caasimada Online
Xafiiska Gaalkacyo
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this