Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha dowladda Puntland oo ka tacsiyeeyay weerarkii argagixiso ee Kismaayo

Recommended Posts

Deeq A.   

Dowladda Puntland waxay ka tacsiyaynaysaa falkii argagixiso ee ay cadawga Soomaaliyeed ka geysteen xalay bisha Luulyo, 12, 2019 magaalada Kismaayo, kaas oo ay ku xasuuqeen shacab rayid ah oo aan waxba galabsan. Arxanlaawayaashaasi falkaasi foosha xun geystey waxaa ka hortegey oo soo afmeeray ciidamada geesiyaasha ah ee Jubbaland.

Puntland waxay tiiraanyada iyo xanuun ka waxyeelada falkaasi foosha xun la wadaagaysaa walaalahooda reer Jubbaland, gaar ahaan eheladii, qaraabadii iyo asxaabtii ay ka baxeen shacabka aan waxba galabsan ee ku nafwaayey gaadmada cadawga tamartayar ee ku dhuumaalaysanaya dalkeena Soomaaliya.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo ku hadlaya magaciisa iyo kan shacabka Puntland waxa uu shacabka iyo dowladda Jubbaland-ba uga tacsiyaynayaa waxyeelada dhacdadii xalay ee lahayd naf iyo maalba, waxa uu si gaar ah ugu tacsiyaynayaa eheladii, qaraabadii, qoysaskii iyo asxaabtii ay ka bexeen walaalaheena ku shihiidey falkaasi.

Ugu dambayn, Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni waxa uu Alle ‘SWC’ u weydiinayaa muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku dhintay weerarkaasi bahalnimada ah inuu u naxariisto, denbigooda dhaafo, Samir iyo iimaanna Alle kasiiyo shacabka Soomaaliyeed, intii ku dhaawacantayna waxa uu Alle uga baryayaa inuu u booga Dhayo.

-DHAMMAAD-

The post Madaxweynaha dowladda Puntland oo ka tacsiyeeyay weerarkii argagixiso ee Kismaayo appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this