Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog xasaasi ah oo ku saabsan ujeedada wafdigii Wasaaradda Difaaca Qatar ee gaaray Dhuusamareeb

Recommended Posts

Deeq A.   

Dhuusamaareb (Caasimadda Online) – Diyaarad gaar ah oo Sidday wafti kasocda Wasaradda Difaaca dalka Qatar ayaa goor dhow gaaray Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Dowlad Goboleedka Galmudug.

Wafdiggaan ayaa garoonka Diyaaraddaha ee Dhuusamareeb, waxaa kusoo dhaweeyay Wasiir dowladdaha Wasaaradda Difaaca Xukumda federaalka Soomaaliya Maxamed Cali Xaggaa.

Wafdigaa ayaa Kulan saaxafaddu dibed joog ka tahay haantan Dhuusamareeb kula leh Ra’iisul Wasaaraha Xukumada Faderaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo kusugan Magaalada Dhuusamareeb.

Ujeedka ay Dhuusamareeb u gaareen Wafdigan isugu jiray Mas’uuliyiin iyo Saraakiil Ciidan oo ka tirsan Wasaaradda Gaashaandhiga Qadar ayaa waxaa lagu sheegay inay tahay sidii ay uga qeyb qaadan lahaayeen tababarka la siinayo Ciidankii Ahlusunna ee lagu wareejiyay dowladda Soomaaliya.

Wararka ayaa intaasi waxaa ay ku darayaan in Dowlada Qadar ay lacag ku bixin doonto tababarka Ciidankii Ahlusunna,kuwaasi oo dhawaan dowladda lagu wareejiyay,si ay uga mid noqdaan Ciidamada qaranka.

Diyaaradda nooca Milateriga ayaa Saraakiishan ka dejisay garoonka diyaaradaha Dhuusamareeb, taasoo la sheegay inay aheyd tii u horeysay nooceeda oo ka degta garoonka diyaaradaha Dhuusamareeb

Dowladda Qater ayaa kamida Dowladdaha Saaxiibka dhaw la leh Dowlada Soomaaliya waxa ayna ka taageertaa dhinacyada Qalabaynta Ciidama,Dhaqaalaha,Amaanka,Dib u dhiska kaabayaasha Dhaqaalaha.

Xog xasaasi ah oo ku saabsan shabaabkii weeraray hotelka kismaayo

2-73.jpg 1-81.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this