Sign in to follow this  
Deeq A.

Sacuudiga oo Jeddah kusoo bahdilay Somaliland, kuna qasbay inay soo maraan DF

Recommended Posts

Deeq A.   

Jeddah (Caasimadda Online) – Dowladda Sucuudiga ayaa Dekadda Magaalada Berbera ku soo celisay Markab waday 20kun oo Neef oo Ari ah, kaas oo u rarnaa Ganacsatada wax ka dhoofsada Dekadda Magaalada Berbera.

Saraakiil kala duwan ayaa xaqiijiyay in Markabka markii uu ku xirtay Dekadda Magaalada Jiddah la weydiiyay warqadda Caafimaadka xoolaha ee dowladda Federaalka ah ay bixiso lagana waayay.

Markabka oo noociisu yahay MV-FAHAD iyo Arigii oo saaran ayaa ku soo wajahan Dekadda Magaalada Berbera halkaas oo uu ku soo laabanayo.

Wasiirka Xannaanada Xoolaha Somaliland Xuseen Gaafaandhe ayaa xaqiijiyay in Sucuudiga soo celiyay Markabka u rarnaa Ganacsatada Somaliland.

Wasiirka ayaa  in shuruud looga dhigay warqadda Caafimaadka Xoolaha oo ay bixineyso Wasaaradda Xannaanada Xoolaha Dowladda Federaalka ah.

“Waxaad ogtihiin in afar habeen ka hor uu uu dekadda Berbera ka dhoofay Markab siday xoolo oo usii jeeday dekada Jidda Jiidaa ee Sucuudiga Carabiya, wadankaasi uwuxuu ku tagay dalab ka yimid Baanka islaamiga ah ee xoolaha xajka qaadan jirey, waxaanu baanka iyo nimankii Carabta ahaa ee qaadan jirey xooluhu damaanad qaadeen inay xoolahaasi ka dajinayaan dekada Jidda”ayuu yiri wasiir Gaafaadhi.

Waxaanu intaas ku daray “Dawlada Muqdisho markii ay ka war heshay inuu markabkaasi Berbera ka dhoofo duulaan balaarn baa la qaaday, wasiirkii wasaarada xanaanada xoolaha Soomaaliya wuxuu u dhoofay Sucuudi Carabiya wuxuu culays iyo dagaal weyn saaray in aan markabkaasi la rogin.”

Dowladda Sucuudiga ayaa dhawaan ku wargelisay Somaliland in Maraakiibta Xoolaha ka qaada Dekadda Berbera looga baahanyahay Warqad caafimaad oo ay bixisay Dowladda Federaalka ah.

Somaliland ayaa arrintaas ka dhega fureysatay waxaana Ganacsatadu Sucuudiga u dhoofiyeen Markan 20kun oo Neef oo Ari ah wada ,kaas oo hadda dib ugu soo wajahan Berbera.

Maamulka Somaliland ayaa horey u sheegay inay ka madax banaan yihiin Dowladda Soomaaliya isla markaasna aysan aqbali karin shuruuda dowladda Sacuudiga ee ah in waraaq ay Somailand ka keensado dowladda Soomaaliya.

Dowladda Sacuudiga ayaa xiriir fiican la leh dowladda Soomaaliya, waxayna kamid tahay dowladaha sida weyn uga soo horjeedo go’aanka ay Somaliland ku dooneyso inay kaga go’do Soomaaliya inteeda kale.

Maamulka Somaliland ayaa ku dhawaad 30 sano raadinayo ictiraaf mana jiro ilaa hadda hal wadan oo u aqoonsaday inay yihiin Dowladda ka madax banaan Soomaaliya.

Xog xasaasi ah oo ku saabsan shabaabkii weeraray hotelka kismaayo

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this